Dhageyso.Xildhibaan Cabdi Rashiid Cabdi Xakiim Warsame oo soo dhaweeyay Matalaada Siyaasadeed gobolka Banaadir

 

 

Xildhibaan Cabdi Rashiid Cabdi Xakiim Warsame oo ka Tirsan Baarlamaanka Dawlad goboleedka Hir shabeele ayaa soo dhaweeyay Matalaada Siyaasadeed gobolka Banaadir uu ka helay Aqalka sare

Xildhibaan Cabdi Rashiid Cabdi Xakiim Warsame ayaa sheegay in Arintaani ay tahay mid loo baahnaa Waxaana uu Fariin U diray maamulka puntland Taasi oo ku saabsan in aysan ka hor imaan 13 Kursi gobolka Banaadir uu ka helay  Aqalka Sare

Hadalka Xildhibaan Cabdi Rashiid Cabdi Xakiim Warsame ayaa ku soo aadaya iyadoo Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya dhawaan ay Ansixiyeen Xeerka Matalaada Siyasaadeed gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare Taasi oo ay soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee Bulshada