Faah Faahino ka soo baxaya shil khasaare geystay oo ka dhacay Puntland

Wararka ka imaanaya Tuulada Shire Dhogor-libaax, oo ku taalla xadka kala qeybiya Gobollada Nugaal iyo Karkaar ee puntland , ayaa sheegaya in halkaas uu xalay ka dhacay shil gaadiid oo khasaare gaystay.
Ilaa shan gaari oo Xamuul ah, ayaa lagu soo warramayaa in ay isku dhaceen saqdii dhexe ee xalay, xilli ay marayeen Tuulada Shire oo qiyaastii 150KM dhanka bari kaga beegan Magaalada Garoowe, halka ay Qardho Koonfur ka xigto 52KM.
Gaari xamuul ah ayaa ku dhacay saddex Waaraad iyo gaari kale oo nooca Tallaagadaha kalluunka qaada ah, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay laba ruux oo keliya, halka ay ku baaba’day hanti fara badan.
Shilalka gaadiidka, ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku soo badanaya Laamiga dheer ee xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso, gaar ahaanna inta u dhexaysa Qardho iyo Garoowe..
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com