Faah`faahino dheeri ah ayaa kasoo baxayo dagaal xalay kadhacay Muqdisho

 

Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay waxaa uu Xaafada Soonakey ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir ku dhex-maray Ciidamo ka kala tirsan Millateriga iyo Booliska Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan sababaha keenay dagaalka labada Ciidan,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay kala shakiyeen halka warar kale ay sheegayaan inay ku dagaalameen jaad ( qaad) si qarsoodi ah lagu soo geliyay Magaalada Muqdisho,kaas oo ay mamnuucday dowladda Somalia sababo la xiriira ka hortagga Cudurka COVID-19.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu socday ku dhawaad Saacad,waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyooday Afar Askari oo uu kamid ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Millateriga oo lagu Magacaabi jiray Dhamme Daahir Sheekh Axmed.

Xaalada saaka Goobihii lagu dagaalamay waxaa ay tahay mid degan,waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka iyo Goobaha Ganacsiga.

Magaalada Muqdisho waxaa todobaadyadii la soo dhaafay kusoo batay dagaalada dhex-maraya Ciidamada ka wada tirsan dowladda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho

Info@aragticusub.com