Midowga yurub oo wado qorsho si deg-deg ah xuduudaha lees kugu furayo

 

Midowga yurub ayaa wado qorshe ay xuduudaha uga furayaan Yurub sida ugu dhaqsaha badan.

Warbixinta ayaa lagusheegay in marka hore wadamada xuduud wadaaga ah ay bilaabi doonan iyadoo taxadir iyo feejignan ku aadan halista Covid -19 ay siiwadi doonan wadamada leesku furo.

 Midowga Yurub wuxuu soo bandhigay qorshihiisa ku saabsan sida xuduudaha looga furi lahaa iya sidookale qorshaha lagu bad-baadinayo dalxiiska iyo iskusocodka Midowga Yurub.

Waxa ay shegeen in  wadamada kale, kala hadlidoonan sidii xuduudaha loo furi lahaa waa muhiim inaan dib u bilowno dalxiiska mar kale, ayay tiri Stella Kyriakides oo ah xubin ka tahay Guddiga Yurub .

Intabadan wadamada rer yurub ayaa hoosta ka xariiqay in dunida intaa in  kabadan sii kala xarnaan karin taasinah ay fursad weey u Tahay dad badan oo ahaladoodii kamaqan in kabadan 2-bil

Shaqaalaha ajnabiga waxaa loo oggol yahay inay Norwey yimaadaan  sidookale Jarmalka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin. in ay xuduudaha ufuraan guud ahaan Midowga Yurub laga bilaabo 15ka Juun.

Wadamada qaar waxay furi doonaan xuduudahooda  Jimcaha, sida Faransiiska, Switzerland iyo Austria. Jarmalka ayaa sheegaya inay sidoo kale xadka u furi donaan Danmark.

Go,aanka ay qaateen rer yurub ayaa ku soo aadayo xili dunida latacaaleeyso  cudurka Covid-19 oo sababay dhimayo bur-bur guud ahaan dhaqaalaha adunka iyo isku socodka safaradii caalamka.

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com