Ninkii weeraray Masjidka AL-Nuur ee xaafada Bærum oo maxkamad ka soo muuqday

 

Philip Manshaus oo ahaa ninkii weeraray Masjidka-Al nur ee xaafada Bærum ayaa arbacadii maxkamad lahorkeenay .

22-jirkaan ayaa waxaa sidookale lagu eedeeyay dilka gabar walaashiis ah oo lagu magacaabay Johanne Zhangjia oo 17 -jir ahed .

Weerarka lagu qaadayay Masjidka Al- NUR ayaa dhacay bishii Agoosto 10 sanadkii hore taas oo muslimiin badan oo ku nool wadanka Norwey ay laso deristay cabsi Aad u weeyn.

Manshaus ayaa beeniyay eedeymaha dambiyada markii maxkamaddu bilaabatay, arbacadii, aabaha dhalay iyo adeerkiis  ayaa maxkamadda ka hor cadeeyay in xiriirka udhaxeeya wiilkooda iyo walaalaha ladhashay aad u sareeyo.

Qareenada u doodayo Philip Manshaus ayaa shegayo in lagayaabo in oo caafimaad ahaan oo wanaagsanen.

Sikastaba falalka islaam naceebka ah ayaa intabadan sanadihii ugu danbeeyay ku soo badanayay wadamada rer galbeedka  waxaana si weey loo xasuustaa dhacdadii baahalnimada aheed lagu qaaday Masjid kuyaalo wadanka  New Zealand.

Xigasho:    

https://www.klartale.no/norge/faren-ingen-av-oss-kan-skjonne-det-1.1714800