Farmaajo oo ku howlan qorshe u muuqda fashil arrimaha doorashada,

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo mudadda loo doortay xilka Madaxweynaha bilooyin ka harsan tahay kuna fashilmay balanqaadyadii xiligii uu ku jiray olalaha doorashada ayaa wajahaya fashil kale kadib markuu bilaabay qorshe kale oo uu ku doonaya in uu ku boobo kuraasta xubnaha Baarlamaanka si uu markale usoo noqdo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya xubnaha deegan doorashadooda tahay Jubbaland in lagu soo doorto Gobalka Gedo si uu boobo kuraasta xubnahaasi una soo saarto shaqsiyaadku rabo. si markale loo soo doorto taasi oo ah fashil aan suurto gal aheyn.

Farmaajo ayaa wada qorsho Maamul gobaleeyada mucaraadsan Siyaasadiisa xildhibaanada deegan doorashoodu tahay loogu soo wareejinayo Magaalada Muqdisho taaso fajac ku noqotay qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Durbo beelaha qaar ayaa arrinkaasi qaylo dhaan xooggan ka muujiyay sida Beesha reer Ow Qudub Sheekhaal oo sheegay in si kursiga Beesha loogu boobo Cabdiraxman Dheere oo hada kamid xubnaha golaha shacabka sida dhowna ula shaqeeya Madaxweyne Farmaajo la doonaya in deegaan doorashadiisa laga wareejiyo laguna soo doorto Gobalka Gedo.