Ma sahlana Xilka qaadista Cabdi Xaashi sababta Ogoow?

Qorista Mooshinka xilka qaadista Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maalmahii ugu danbeeyay si xowliya ugu socday Magaalada Muqdisho. Mooshinka ayaa gaaray balan qaadyo dhaqaalo hurumaris ah ka shaqeynta soo noqoshada Senator kii saxiixa.

Mooshinkaan oo ay dabada ka riixayaan Madaxda Villa Somalia ayaa u muuqda mid fashil ku soo dhamaan doona sida ay qabaan xeeldheerayaasha Siyaasadeed . Sabababaha soo socdo 1: Xubnaha Aqalka sare waxaa ku badan mucaraadka 2: Gudoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari oo ay sharci tahay in uu qabto mooshinka waa mucaarad aan raali ka  noqoneyn qabashada Mooshinka Gudoomiyaha Aqalka 3: waqtiga la joogo ma ahan mid suurta galaya maadama la joogo xili kala guur ah Beesha Caalamkana ma taageri doonto mooshin xiligaan iyo wixii ka soo baxo.

Si kastaba Madaxda Villa Somalia waxaay ku howlan tahay dar dar galinta mooshinka xilka qaadista Gudoomiyaha Aqalka Sare taasi oo u muuqata in ay ka go,an tahay si walbo oo ay ku suurobayso.