FRP oo ku hanjabay in ay isaga bixi doonaan Xukuumada Erna Solberg.

Xisbiga Fremskrittsparti (FRP) ayaa maanta soo saaray war sababay in warbaahinta ka howl gasha gudaha Norwey aad uga hadlaan.

Wasiirada Ganacsiga ahna Gudoomiyaha Xisbiga FRP Siv Jensen oo shir jaraa,id ka hadashay ayaa si weyn uga soo horjeesatay soo qaadashada laba Carruur ah iyo hooyadood oo iminka ku sugan dalka Syria.

Siv Jensen ayaa sheegtay in hadii dowlada ku adkeysato go,aankeeda soo qaadashada ah isaga bixi doonaan Xukuumada Erna Solberg.

Wasiirada ayaa xustay in aan loo baahneen dad ku lug yeeshay argagixiso in magangalyo la siiyo.

Iyada oo ugu baaqday Ra,isul wasaare Erna in go,aan cad qaadato inta lagu guda jiro bishaan.

Arintaan ayaa caqabad xoogan ka dhex abuuri kara Xisbiyada Hogaamiyo dowlada ee Høyre,Venstre,Krf iyo FRP.

Xigasho:https://www.vg.no/nyheter/innenriks/i/Adg2nE/frp-krever-svar-fra-erna-innen-slutten-av-januar

Xafiiska Wararka Oslo

Info@aragticusub.com