Fanaanka Caanka ah Qamar Suugaani oo Xabsi loo Taxaabay

Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay Fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani, xili uu shalay gaaray magaalada Berbera, kadib markii uu kasoo laabtay safar uu ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Fanaanka ayey ciidamadu qabteen xili uu socdaal dhulka ah uu kusoo galay Somaliland, kaasi oo uu kaga yimid magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland.
Qamar Suugaani ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo bandhigyo dhowr ah ku qabtay, isagoona uga soo gudbay dhanka Puntland, si uu dhulka ugu sii gudbo caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Safarka Qamar ee dhinac dhulka uu uga yimid Garoowe ayaa lagu sheegay inuu ka lahaa ‘xeelad bad-baado’, taasi oo uga baaqsanayay xabsiga maanta loo taxaabay.
Somaliland ayaa inta badan xabsiga u taxaabta shaqsiyaadka caanka ah ee u safra Muqdisho, isla markaana dib ugu soo laabta Hargeysa, iyada oo badanaa ciidamada madaarka Hargeysa ay xabsiga dhigaan shaqsiyaadkaasi, taasi oo uu ka gows adeygayey Qamar.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com