Saddexda kursi ee doorashadooda ee berri lagu qabanayo Baydhaba.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey saddex kursi oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka oo berri doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaas.

Saddexda kursi ee berri oo taariikhdu tahay 27-ka November 2021-ka lagu dooranayo Baydhabo ayaa waxay kala yihiin; HOP#182, HOP#170 iyo HOP#171.

Kursiga ugu horreeya ee Doorashada lagu daah-furayo oo ah HOP#182 ayaa waxa hadda ku fadhiya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kursiga labaad ee HOP#170 ayaa waxa asagna ku fadhiya Iimaan Cabdullaahi Cali, halka midka saddexaad ee HOP#171 ay Fowsiya Maxamed Sheekh ku metelaysay maamulka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday.

Saddexda kursi ee uu ku dhawaaqay guddiga in doorashadooda ay dhaceyso berri ayaa waxay kamid yihiin 11 kursi oo uu dhawaan shaaciyay Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ayagna maalmaha soo socda la dooranayo, sida uu sheegay guddiga.

Tan iyo markii ay dalka ka billaabatay doorashada Golaha Shacabka waxaa la doortay Siddeed Mudane oo Gobollada Waqooyi (Somaliland) ah, Galmudug oo Afar Xildhibaan ah.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com