Xaalada siyaasadeed ee dalka oo walaac xoogan laga muujiyay.

Hoggaanka Villa Soomaaliya sharci daradda ku jooga ayaa boobay kuraas kala duwan oo ka tirsan Golaha shacabka, isagoo weli u hanqal taagaya inuu fara maroojiyo kuwa kale.

Kursigii beesha waceysle ayaa loo gacan galiyey taliyaha KMG ee NISA Yaasiin Fareey, oo ku eeddeysan dilka Ikraan Tahliil, waxana la afduubtay nabaddoonkii beesha ee ahaa saxiixaha rasmiga ah ee kursigaasi, waxaa sidoo kale jira in la sameeyey ergo ay wataan Farmaajo iyo Fahad, kuwaasoo la geeyey goobaha ay doorashaddu ka dhaceyso, waana kuwii u codeeyey eeddeysane Yaasiin Fareey.

Qorshahan lagu dhacayo kuraasta, ayaa waxaa madaxtooyada maafiyada fadhisa, kala shaqeynaya inta la ogyahay hoggaannada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaase la saadaalin karin kaalinta uu ka qaadan doono madaxweynaha Hirshabelle Guudlaawe, kaasoo doorashaddii Aqalka Sare ee ka dhacday Jowhar ku qabtay hab loo riyaaqay.

Qoor-Qoor iyo Lafta-Gareen ayaa jaraanjar lagu gaaro dusha sare, u noqday Fahad iyo Farmaajo, waana ragg uu madax maray kursiga, turiinshana aan u muujineyn marxaladda dalka, waxana ka hor muuqda sidii xoogga ahayd ee ay kursiga maamuladaasi ku fuuleen, iyadoo uu qoyan yahay shacabkii maatida ahaa ee rabitaankooda lagu xasuuqay.

Tallaabadan ayey mid aan la qaadan karin ku tilmaameen, siyaasiyiinta mucaaridka iyo mudanayaasha daneynaya kuraastaasi, waxana Midawga Musharaxiinta oo ka hadlay qaabka ay doorashaddu u socoto, ay ku cabiren mid dalka u horseedi karta dagaal hor leh.

Waxaa kurbo taasi la mid ah muujiyey Gudoomiyihii hore ee Barlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo iminka caddaadis kala kulmaya Laf-Gareen oo doonaya inuu afduubto kursiga dhex yaalla beesha uu ka soo jeedo jawaari, waxana sida ay sheegeen dhami beelaha Soomaaliyeed batay nabadoonnada ay sameysanayaan Farmaajo iyo Fahad, halkii kuwii rasmiga ahaana qaarkood la iibsanayo, iyadoo inta kalana lagula kacayo Afduub iyo dilal, taasoo ay caddeyn u tahay kororka ku imanaya dilalka nabadoonnada.

Arrintan ayaa dalka ku haggi karta qalqal amni, iyo in ay caasimadda dib ugu soo laabtaan ciidamadii Badbaado Qaran, oo iminka la wado ololihii ay ku soo gali lahaayeen Muqdisho, taasoo barakac iyo bur bur hor leh soo de-dejin karta.

Dadka qaar ayaa rumeysan in Ra’iisul Wasaraha Xil-gaarsiinta, uu boobka doorashada siistay sandareerto, kadib socdaalkiisii Qatar, lamana ogga ilaa inta ay sii soconeyso aammusnaanta uu uga dareen celinayo walaaca ka jira habsami u socodka doorashadda.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com