Maareeye oo ka hadlay sababta uu isaga dhex waayay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka nhadlay sababta uu uga soo dhex muuqan waayey golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Rooble.
Maareeye ayaa sheegay in markii ay dhacday xukuumaddii Ra’iisul wasaare Kheyre uusan raadin xil wasiir, balse uu raadiyey xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, taasi oo dagaal siyaasadeed ka dhex dhalisay isaga iyo Mahdi Maxamed Guuleed.
“Markii dowladii Xasan Cali Kheyre la bedelay, waxaan aaminay kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka inuu banaanyahay, waan raadiyey, laakiin kalamaan ayaa nagu dhacay aniga iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed waxuu aaminay in kursigii uu weli ku fadhiyo” ayuu yidhi Maareeye.
Waxa uu sheegay in isaga iyo Mahdi Guuleed dagaal adag uu raadinta kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka ku dhex maray, balse hadda uu u hambalyeynayo.

“Mudane ra’iisul wasaare waan kuugu hambalyeynayaa, waana kula shaqeynayaa, xilku waa meerto, hadii walaalkey kursigiisii ceshaday waxaan leeyahay hambalyo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maareeye.
Hadalkan waxuu Maareeye ka sheegay xaflad uu xilka wasiirka warfaafinta ku wareejinayey oo ka dhacday xarunta wasaaradda, taas oo uu ka soo qeyb galay Mahdi Guuleed.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com