Galmudug oo shaacisay qabashada doorashada Afar Kursi

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta oo Talaado ah shaaciyay Qabashada Doorashada 4 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu soo banshigay xilliga rasmiga ah ee la diiwaangelinayo Ergada lana tababarayo, isla markaana Doorashada ay dhaceyso 26-ka Bishaan.

Kuraasta Galmudug ay shaacisay waqtiga la qabanaayo doorashadooda ayaa guddiga doorashooyinka ay horay u soo gudbiyeen, waxaana ay kala yihiin

1: HOP248 oo uu hadda ku fadhiyo  Maxamed Abtidoon.

2: HOP064 oo ay ku fadhiso Sahro Cumar Maalin.

3: HOP089 oo uu ku fadhiyay Cabdi Shire Jaamac balse sheegay in uusan u tartami doonin kursigaas

4: HoP096 oo uu ku fadhiyo Cabdirisaaq Cilmi  Cali ayaa kamid ah kuraasta la qabanaayo dhawaan ee doorashada Maamulka Galmudug.