Gudiga doorashooyinka Heer Federaal oo ka digay boob lagu haayo kuraasta Golaha shacabka

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay soo gaartay cabashooyin iyo tallooyin ku aadan doorashooyinka socda, iyadoo guddigu baaritaan ku sameynayo dhammaan cabashooyinka laga keenay kuraasta la doortay iyo kuwa la dooran rabo oo murano xooggan ku gadaaman yihiin.

Guddiga ayaa ku hanjabay in aanu aqbali doonin wax kasta oo baalmarsan hufnaanta doorashada, waxaana uu caddeeyay in guddiyada doorashada maamulaya ay ka madax bannaan yihiin siyaasadda iyo faragelinta siyaasiga.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federal ayaa waxa uu faray Guddiyada doorashada in waajibkooda u gutaan si madax bannaan oo cadaalad ah.

Hoose ka Akhriso warsaxaafadeedka Gudiga :

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com