Norway:Shirkada Telenor oo ka digtay fariimo been abuur ah(Warbixin).

Oslo:-Shirkada Taleefanada dalka Norway ee Telenor ayaa macaamiisheeda uga digtay fariimo been abuur ah oo saacadihii ugu dambeeyay loo dirayay dadka.

Shirkada ayaa sheegtay in fariimahaasi yihiin kuwo been abuur ah isla markaana halistooda wata.

Waxaa ay uga digtay bulshada furida fariimaha loo soo dirayo iyada oo tilmaamtay in taasi keeni karto in la helo qofka xogtiisa gaarka ah.

Saacadihii ugu dambeesay shirkada ayaa xanibtay in ka badan hal milyan iyo laba boqol kun oo fariimo been abuur ah sida ay xaqiijisay.

La taliyaha amaanka shirkada Telenor Thorbjørn Busch ayaa warbaahinta NRK u sheegay in xawaare sare u socdaan fariimaha been abuurka ah ee bulshada loo dirayo.

Thorbjørn Busch oo hadalkiisa sii wata ayaa bulshada u sheegay in aysan dhab u qaadan fariimaha loo soo dirayo.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa jiray cabasho dhanka bulshada ka imaanaysa ee la xiriirta fariimaha ugu soo dhacaya taleefanadooda gaarka ah taasi oo hada shirkada Telenor digniin ka soo saartay.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com