Galmudug oo sheegtay inay ka hortagtay musuq maasuq la xiriira Waxbarashada

Wasaarada Waxbarashada Galmudug ayaa shaacisay in ay qabatay arday farabadan oo la doonayey in si muusuq maasuq ah loo bood bootiyo fasalada dugsiyada dhexe iyo sare kadib daba gal iyo baaritaano ay sameysay Wasaarada Waxbarashada.

Wasiirka Wasaarada waxbarashada maamulka galmudug Maxamed xaashi dhoore, ayaa sheegay in ay ka hortageen arday ku dhow 3,000 oo arday oo la doonayey in la bootiyo fasalada dugsiyada sare, arintaan ayuu sheegay wasiirka in ay qeyb katahay tayo xumida waxbarashada ama mustaqbal xumo loo horseedo ubadka jaceyl in ay heer sare ka gaaraan waxbarashada.

Maxamed xaashi dhoore, wasiirka waxbarashada galmudug ayaa tilmaamay in reebista ardaydaan caqabado waaweyn kala kulmeen kadib markii ay si toos ah ula soo xariireen xilibaano iyo masuuliyiin katirsan dowlada kuwaasi oo uu sheegay in ay ka codsadeen in la bootiyo ardayda dibna aan loogu celin fasalo aysan soo dhigin balse ay wasaarada arinkaas iska diiday.