Militariga Masar oo sheegay inay dileen 80 maleeshiyo ah

Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa sheegaya in ciidamada militariga dalkaasi ay laayeen in ka badan 80 ka mid ahaa maleeshiyaad xag jiriin ah oo ku sugnaa gobolka Siinaay.

Militariga Masar ayaa sheegay in hawlgal ay gobolkaasi ka fuliyeen ay ku laayeen maleeshiyaadkan oo, sida ay sheegeen, halis ku ahaa ammaanka dalka Masar.

Maleeshiyaadka ay MIillateriga Masar sheegeen inay dileen ayaa waxaa ay mararka qaar weeraro toos ah ku qaadi jireen saldhigyada Ciidamada Millateriga iyo kuwa Booliska ee ku yaal Gudaha dalkaas.