Samsam Ibraahim Cali oo dib loogu doortay Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka bilaabatay doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qyebta ka imaaneysa degaannada Koonfur Galbeed.

Doorashada oo ay ku tartamayaan 10 Musharax oo u taagan qabashada 5 kamid ah kuraasta Aqalka Sare ayaa waxaa goordhow dhacday doorashada kursigii ugu horreeyay ee Aqalka sare kuraasta ka imaaneysa Koonfur Galbeed.

Kursiga ayaa waxaa ku tartamay Samsam Ibraahim Cali & Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim, waxaana kursiga ku guuleysatay Samsam Ibraahim Cali oo Afartii sano ee la soo dhaafay kamid aheyd Xildhibaannada Aqalka sare.

Guddiga doorashooyinka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in Sanoter Samsam Ibraahim Cali ay heshay 81 Cod, Shariifo Xaji Cusmaan ay heshay  5 Cod halka 7 Cod ay halaabeen.

Sidoo kale Sanoter Zamzam Ibraahim Cali ayaa waxay noqoneysaa gabadhii ugu horeysay ee ka mid noqoneysa baarlamaanka 11aad ee 2021.

Goordhow ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada Xildhibaanka labaad ee aqalka sare, kaas oo ay ku tartami doonaan musharixinta kala ah Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo farxiyo Maxamed Nuur