Garowe oo mar kale laga diiday isticmaalka lacagta Shiling Somaliga

Suuqyada Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland waxaa saaka oo Khamiis ah mar kale laga diiday Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii ganacsatadu sheegtay in Bankiga Puntland uu diiday sarrifka iyo socod-siinta Shilinka.

Dhammaan goobaha kala duwan ee Ganacsiga Garowe iyo dukaamada xaafadaha ayaa diiday Shilin Soomaaliga, waxaana cuntada iyo adeegyada aas’aasiga ah lagu iibsanaya Lacagta Dollarka.

Arrintan waxay mar kale saamayn ba’an ku yeelatay dadka danyarta ah, oo aan wax ku iibsan karin Lacagta Dollar-ka, gaar ahaan muruq-maalka ku shaqeeya Shilin Soomaaliga.

Waxa xusid mudan, in Puntland aysan weli ka jawaabin xaaladdan ka aloosan suuqyada Garoowe, taas oo culays ku keentay dhaqdhaqaaqa ganacsiga Caasimadda.

Jahwareer ka dhashay lacagta Shiling Somaliga ayaan illaa & hadda xal buuxa loo helin, inkastoo Maamulka go,aano kala duwan ka soo saaray, haddana go,aanadaasi ayaan si wanaagsan u hirgelin.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”