Qeybo ka mid ah Gobolada Norwey oo laga helay dad qaba Coronovirus.

Oslo,Qeybo ka mid ah Gobolada dalka Norwey ayaa laga soo sheegayaa in lagu arkay dad qaba Cudurka Coronovirus.

Magaalada Elverum ayaa lagu karantiilay ilaa was iyo shan qof oo qaba cudurkaan.

Saraakiil ka tirsan Hay,adda Caafimaadka dadweynaha Norwey oo warbaahinta si joogta ah ula hadlaya ayaa sido kale xusay in Magaalada Mo i Rana lagu arkay sidoo kale qof qaba cudurka Corona.

Ilaa iyo hada Saraakiisha Caafimaadka ayaa ku warmaya in la karantiilay ku dhawaad 10-ruux oo Cudurkaan qaba.

Ugu dambeeyn Saraakiisha ayaa tilmaamay in dadka qaba cudurkaan uusan gaari doonin  ama u faafi doonin sida dalka Talyaaniga.

Dadka haatan cudurkaan laga helay ayaa inta badan ahaa dad fasax uga soo laabatay dalka Talyaaniga.

Wixii ku soo kordha kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com