Heshiis la kala dhex dhigay Madaxweynaha Soomaliland iyo xisbiyada Mucaaradka

Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Somaliland, Hoggaamiyayaasha labada Xisbi  Mucaarid iyo Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya uu is afgarad ku soo dhamaaday.

Wadahadalka ayaa markiisii hore daarranaa doorashada Somaliland ee Baarlamaanka, ka laabashada sameysashada Xisbiyo cusub iyo Guddiga doorashada Somaliland oo la isku mari waayay.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, uu ku guuleystay in ay dhinacyada heshiiyaan.

Qodobada sida horudhaca ah loo helay ee ay isla meel dhigeen waxaa ka mid ah in Guddiga doorashada ee hadda jira oo ay ka maqanyihiin wakiillada Mucaaridka uu korjoogteeyo doorashada Golaha degaanka iyo Baarlamaanka, In Muuse Biixi ka laabtay go’aankii furashada Axsaabta iyo in doorashada Baarlamaanka Somaliland la qabto dhamaadka sanadkan 2020ka.

Heshiiska ay gaareen dhinacyada saaka ilaa xalay ku shirayay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu wadaa in maanta la saxiixo halkaasna danjire Nicolas Berlanga, ku guuleystay howshii uu u tagay oo ahayd xallinta khilaafka ka dhextaagan Axsaabta Mucaaridka ah iyo Xukuumadda Muuse Biixi.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com