Golaha Amaanka ee QM oo Waqtiga u kordhiyay Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa Shalay dib u cusboonaysiiyay waqtiga Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee

Golaha Amaanka ayaa meel mariyay Qaraar Tirsigiisu yahay 2540, kaas oo dib loogu cusboonaysiiyay xilliga joogitaanka UNSOM oo ku ekaa 31-da Agoosto 2020, waxaana la cusboonaysiiyay mudda sannad ah oo ku eg 31-da Agoosto 2021.

Hawlgalka UNSOM, wuxuu Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada, dhawrista Xuquuqda Insaanka, ka hortaga Tacaddiyada ku salaysan Jinsiga, Xoojinta Hay’adaha Garsoorka iyo Ilaalinta Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta.

UNSOM, waxaa lagu as’aasay Qaraarka Tirsigiisu yahay 2102, kaas oo Golaha Ammaanka ka soo baxay 3-dii June 2013, si loo xooqjiyo Taageerada Qaramada Midoobay u fidiso dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com