Golaha Samata Bixinta Awdigil oo Cambaareeyay dagaalkii ka dhacay Baladweyne

Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim oo ka tirsan Golaha Samata bixinta Awdigil ayaa cambaareeyay dagaalkii ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiran.

Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim ayaa ku baaqay in dagaalkaasi la joojiyay Islamarkaana wada hadal ay isugu yimaadaan dhinacyada uu dagaalkaasi u dhexeyo, Isaga oo hadalkiisa siiwata ayuu suldaan shariif intaasi raaciyay in dagaal uu uusan wax faa’iido ah u lahayn shacabka gobolka Hiiraan iyo kooxoaha dagaalamay labada dhinacba.

Hadalkaan ka soo baxay Suldaan Shariif  Cali Xasan Ibraahim ayaa ku soo aadaya xilli Magaalada Baladweyne uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo daacad u ah Jeneraal Abuukar Xuud iyo Ciidamada Maamulka Hirshabeele oo ka gacan ka helaya Ciidamada Dawlaada Federaalka Soomaalya waxaana dagaalkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo Dad shacab ah inkastoo hadda xaalada ay degan tahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com