Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay degaanka Bacaadweyne

 

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Cidiamada dowladda gar ahaan Qaybta 21aad iyo Daraawiishta Galmudug ay saaka la wareegeen degaanka Bacaadwyene ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Howlgal wadajir ah oo ay Ciidamada sameeyeen Koonfurta Gobolka Mudug ay kula wareegeen degaannada Bacaadweyne iyo Qeycad 25 km Galbeedka kaga beegan Magaalada Wisil .

Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inuu jiro Dagaal kooban oo Ciidanka iyo Al Shabaab ku dhexmaray Magaalada Bacadweyne, balse aysan wax faah fahin ah ka bixin khasaaraha ka dhashay.
17-kii Bishii Apriil ee sanadkan ayya Al-Shabaab la wareegeen degaanka Bacaadweyne kadib dagaalo soo laab laab tay oo halkaasi ka dhacay, balse amrkale Ciidamada dowladda ay la wareegeen.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com