Weerar ka dhacay Gobolka Gedo & faah faahin laga helayo

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada dowladda, xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka.

Dadka deganka ayaa ku waramaya in Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu dhex-maray dagaal aad u xooganaa, isla markaana ay arkeen dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalkaas.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana socdaalkooda ay iska sii wateen.
Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxaa ay ku sheegteen in weerarkaas ay ku dileen laba askari saddex kalena ay ku dhaawaceen wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab, waxaana mararka qaar Ciidamada dowladda ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.