Nin ku xukunaa dil toogasho oo ka baxsaday Xabsi ku yaal Puntland

Taliska Ciidanka Asluubta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka war bixiyey maxbuus dil toogasho ku xukuna oo ka baxsaday xabsiga weyn ee magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xersi Xarago ayaa sheegay in xilliga uu baxsanayay Maxbuuska oo lagu Magacaabo Axmed Cabdi Jaamac uu aha mid xanuunsan oo loo waday isbitaal, sidaasina uu ku basaday.

Waxaa uu sheegay in kiiskaas loo xiray Saraakiil Ciidan, sidoo kalena ay ku raad joogan askari kamid ahaa ilaalada Maxbuuska, xilliga Isbitaalka loo waday, kaas oo laamaha Amniga uu sheegay inay badi goobayaan.

Ugu dambyn Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xersi Xarago ayaa sheegay in Ciidamadii loo dhiibay Maxbuuska ay la garab mareen Isbitaalka, isla markaana ay gacanta u galeen Ciidamo u diyarsanaa, taasina ay baaritaan ku hayaan.

Dhowr jeer ayaa Xabsiyo kala duwna oo ku yaal Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka waxaa ka baxsaday dad ku eedeysnaa dambiyo kala duwan, kuwaas oo qaarkood ay kamid yihiin Al-Shabaab & Daacish.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com