Guddiga Doorashada Galmudug oo beeniyay in xilka laga qaaday Gudoomiyihii Guddiga

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa been abuur ku tilmaamay warqadda lagu arkay barraha bulshada, ee lagu sheegay in xilka laga qaaday Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Galmudug, Maxamed Daahir Guuleed.

Warqadda lagu baahiyay barraha bulshada ayaa lagu sheegay in kulan ay yeesheen Xubnaha Guddiga xilka looga qaaday Gudoomiyihii Guddiga, ayna Gudoomiye u doorteen Maxamed Qaasim Maxamuud, oo ahaa Xoghayaha Guddiga.

Sidoo kale Maxamed Daahir Guuleed, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug ayaa beeniyay warka sheegaya in xilka laga qaaday

“Warqadaan waa been abuur. Shir Guddiga Doorashada Galmudug oo dhacay ma jiro.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddigu ku sheegay bartiisa Facebook.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com