Faah Faahino ka soo baxaya diyarad ku dhacday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho waxaa ku dhacday Diyaarad nuuca Xamuulka ah oo nuuceedu yahay 5Y-MHT, waxaana ay dooneysay in ay caga dhigato Garoonka sida ay Xaqiijiyeen goob joogayal ku sugan garoonka diyaradaha ee Muqdisho.

Waxaa gurmad degdeg ah siiyay howlwadeenada, si aysan u sababin khasaare kale sida dab ka kaco, maadaama qaybta hore diyaaradda ay ku dhufsatay Darbiga Garoonka Aadan Cadde oo ay suuragal tahay in uu dab ka kaco, khasaaruhuna intaas uu kasii bato.

Sawirro laga soo qaaday waxaa laga dhex arki karaa dhaawac gaaray diyaaradda, waxaana jabay qaybta hore, kadib markii ay ku dhufsatay diyaaradda gidaarka ama Xeen-daabkaWareegga ah eeku  yaala Garoonka.

Waxaa laga soo saaray Duulliyaha iyo caawiyihiisa , waxaana u suuragashay in laga soo saaro  Albaabka qaybta dadka ay ka raacaan diyaaraddaan.

Nooca Diyaaradda oo ah kuwa yaryar ayaa qaada dad kooban iyo Xamuul aan tankiisu badneen, wararka qaar ayaa sheegaya in ay u adeegeysay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ay agab u qaadeysay.

Sababta shilka ayaa loo badinayaa cilad dhanka Diyaaradda ah, balse waxaa goobta tagay guddi ka socda maamulka Garoonka Aadan Cadde si ay u qiimeeyaan waxyeelada gaartay una ogaadaan ciladda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com