Maxaa ka soo baxay Kulan Muqdisho maanta ay ku yeesheenGuddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ?

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020 ayaa la kulmay Xubno ka socda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Kulanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada looga dhageystay warbixin kooban oo ku saaban Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, Sanad Dugsiyeedka 2019-2020.

Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.
Kulanka Gudiga Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ayaa ku soo aadaya Xilli Ardaydaii ku dhacday Imtixaanka shahaadiga Sanadkaan 2020ka ay cabasho xooggan ka muujiyeen diyaarinta Imtixaanka iyo Natiijadii ay kala kulmeen
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com