Yuusuf Daba geed oo kulan Amniga looga hadlayay Baladweyne kula yeeshay Saraakiil ka Tirsan Amisom iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya

Madaxwayne kuxigeenka Maamul goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa magalada Baladweyne kula kulmay Saraakisha Ciidamada qalabka sida ee soomaliya iyo kuwa Amisom ee gobolka Hiiraan.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafaguray sida wax looga qaban laha Amaanka magalada Baladwayne oo la filaayo in lagu qabto caleemasarka madaxwaynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guud laawe Xuseen .

“Magalaada Baladwayne waxaa ku soo wajahan maalmaha soo socda wafuud ka socoto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka” sidaasi waxaa yiri Yuusuf Dabageed.
Guddomiye kuxigeenka Amniga iyo maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Miiris ayaa markii uu kulanka soo gabagaboobay warbahinta la hadlay waxuuna sheegay in saddaxda dhinac ee kulmay ay isla garteen in si wada jir ah ammaanka loo sugo maalmaha ay socdaan caleemasaarka madaxwaynaha Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com