DHAGEYSO: Gudoomiyaha degmada leego ee gobolka Shabeelaha Hoose oo soo dhaweeyay Isbaarooyin la qaaday

Gudoomoyaha degmada leego ee gobolka shabeelha
hoose Abuukar cabdulahi isaaq {allcadaala} ayaa ka hadlay Isbaarooyin dhowr ah oo yaallay deegaano ka tirsan shabeelaha hoose , kuwaasi oo gabi ahaan la qaaday.

gudoomiyaha degmada leego ee gobolka shabeelha hoose ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay qaadeen dhammaan Isbaarooyinkii yaallay gobolka hsbaelaha hoose , iyadoo uusan wax dagaal ka dhicin.

Dhinaca kale ciidamadu waxay dhowr jidgooyo ka qaadeen agagaarka degmada Wanlaweyn oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo gaadiidka lacago ka qaata.
Howl-gal ballaaran oo ay ciidamadu sameeyeen ayaa jidgooyiin badan looga qaaday waddooyinka dhex mara gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com

Hoos ka dhageyso: wareysi