Madaxweyne Joe Biden oo farriin aan laga fileyn u diray Dadka reer Afghanistan

Madaxweyne Joe Biden ayaa si adag u difaacay go’aankiisa ah inuu ciidamada militariga Mareykanka ka saaro Afghanistan, isagoo sheegay in dadka reer Afghanistan ay khasab ku tahay inay ka tashadaan mustaqbalkooda, isla markaana uusan jiil kale oo Mareykan ah u diri doonin dagaalka 20-ka sano socday.

Biden oo Khamiistii ka hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in militariga Afghanistan ay awood u leeyihiin in ay iska caabiyaan Taalibaan, isagoo beeniyay wararka sheegaya in sirdoonka Mareykanka ay saadaaliyeen burburka dowladda uu Mareykanku taageero ee Kabul lix bilood gudahood, iyada oo ay jirto digniinta dagaal sokeeye.

Waxa uu Madaxweyne Biden sheegay in maalinta ugu dambeysay ee joogista ciidmada Mareykanka ee Afghanistan ay tahay 31-ka bisha Augusto ee sanadkan, marka laga reebo 650 askari oo ah ilaalada amaanka safaaradda Mareykanka ee Kabul

Biden wuxuu sheegay in Mareykanku waqti hore uu ku guuleystay ujeedkiisii asalka ahaa ee duullaankii Afganistan ee sanadkii 2001, kaas oo ahaa in xididada loo siibo maleeshiyada Al-Qaacida, lagana hortago weerar kale oo Mareykanka lagu qaado, kuwaas oo la mid ah kuwii Sept.11, 2001.

Ninkii abaabulay weerarkaas oo ahaa Osama bin Laden, ayaa koox milatari oo Mareykan ah ku dileen dalka ay deriska yihiin ee Pakistan sanadkii 2011.

“Waan gaarnay ujeeddooyinkaas, waana sababta aan u aadnay. Uma aadin Afghanistan in aan dhisno qaran. Waa xaq iyo mas’uuliyad saaran dadka reer Afghanistan inay kaligood go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda iyo sida ay doonayaan in ay dalkooda u maamulaan,” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com