RW Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu kula kulmay Guddiga Doorashooyinka Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xubnaha Guddiga waxaa uu kula dardaarmay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa kulamo kala duwan la yeelanayay dhinacyada ay quseyso arimaha Doorshooyinka iyo xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo ee Jubaland.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com