Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Sababta uu ugu Tanaasulay Madaxda Dawlad goboleedyada

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday sababta uu uga tanaasulay doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu tanaasulay kadib markii dowlad goboleedyada ay ku hanjabeen inay doorashada qaadacaan oo dalku kala tago, taasi oo keeni lahayd in shisheeye soo faro-geliyo.

“Waxaa ku tanaasulay markii ay gaartay meesha ugu dambeysay oo ah in la kala tago oo dadka rajo xumo la geliyo. Waxaa isoo baxday labo inaan kala doorto, oo ah in dalku kala tago oo wadajirkeena lumo anoo ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah, iyo inaan dalka isku hayo oo aanu kala tagin, oo aanu shisheeye na soo faragelin, taas ayaa keentay inaan qaato tanaasul iyo waxeena ha xumaado ha samaato aan gaarno go’aankeeda mas’uuliyadeeda qaadano, laakiin shisheeye aanu marna na soo dhex gelin,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan madax goboleedyada ay dhinac uga soo wada jeesteen, oo xitaa uu waayey kuwii uu mooday inay la safan yihiin.

“Markii halkan ay yimaadeen, waxaan dhahay i keena wax umadda Soomaaliyeed ku qanacdo oo sharci iyo dastuur ku dhisan, raggii aan moodayay inay ila socdeen iyagaa ugu horreeyay, taas waxay igu abuurtay shaki u baahan in la baaro,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha qarankeenna.

“Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhanyahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka dalka talaabooyinka dhaxal-galka ah ee ay ka hirgeliyeen qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Guddigaas loo kordhiyo wakhtiga, si dalka loogu celiyo khibraddooda iyo miro-dhalka tacabkii lagu bixiyey.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com