Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo la kulmay Wakiilka QM

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Feseraal Maxamed Xasan Cirro ayaa Maanta kulannla qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Amb James Swan uu ku faraxsan yahay la kulanka guddoomiye Cirro

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen  dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashada Golaha Shacabka ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay oo ay noqota mid loo dhanyahay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Feseraal Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahad celiyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixinayo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho loo wada dhan yahay.