Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland oo howlgal Wadajir ah fuliyay

Howlgalkan oo ay si wada jir ah u fuliyeen ururka 5 aad Guutada 16  ee Ciidanka Kumaandooska DAMAB  iyo ciidamada dowlad goboleedka jubbaland sida daraawishta iyo Nabadsugida ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada kala ah Bar sanguuni, malayleey , bandarjadiid , Araare, koban, bangeeni & Degaano kale oo tirsan Gobolka jubada Hoose, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen 13 kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaas oo u badan saraakiil, sidoo kalena la duqeeyay Saldhigyo ay ku sugnaaheen Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagaga saarayo degaannada Gobolka Jubbada Hoose.

Dhowr jeer ayaa waxaa degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.