Guddoomiyihii Baarlamaanka Norway oo sabab naadir ah isku casishay.

Guddoomiyihii Baarlamaanka wadanka Norway Eva Kristin Hansen kana tirsan garabka xisbiga Shaqaalaha ayaa caawa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii Guddoomiyenimo ee Baarlamaanka Norway, sida lagu shaaciyey wargeyska NTB.

Haweeneydan ayaa lagu eedeeyey inay sifo aan sharci ahayn u daganayd guryaha loogu deeqo mudanayaasha ka tirsan Baarlamaanka Norway.

Todobaadyadii ugu danbeeyey ayay wajahaysay eedeymahaasi, hase yeeshee ugu danbeyntii fiidnimadii hore ee caawa ayay ku dhawaaqday inay xilkii ay ka heysay baarlamaanka Norway gebi ahaan iska casishay.

Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Norway Eve Kristin Hansen ayaa sheegtay inay ka xuntahay wixii dhacay, iyadoo qiratay inuu qaladkaas ka dhacay, hase yeeshee aysan si wanaagsan ula socon xeerarka Baarlaanka ee quseeya guryahaasi.

Guriga lagu eedeeyey inay sida sharci darada ku daganayd ayaa ku yaala xaafada Ski oo qiyaastii 40 KM u jirta magaalada Oslo ee caasimada wadanka Norway.

Norway ayaysan ahayn markii ugu horaysay xubno xilal muhiim ah ka haya dowladda iyo xisbiyada dalka lagu eedeeyo ku tumasho sharci sababta inay ugu danbeyn xilalkooda ku waayaan.

Xigasho: https://www.klartale.no/norge/2021/11/18/stortingspresidenten-slutter-i-jobben/