Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda Qaraxii uu ka badbaaday Agaasime Koofi

Agasimaha Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi  ayaa xalay   ka badbaaday isku day dil oo lagu khaarijin lahaa.

Qarax xalay fiidkii ka dhacay isgoyska KM4 ee degmada Hodon magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo gla socotay Maxamed Aadan Koofi oo ah  Agaasimaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha  dowladda.

War kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegateen  mas’uuliyadda qaraxii xalay ka dhacay KM4, warar Waxaana shabaab ay sheegeen in Koonfi uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxii lala eegtay Gaarigiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com