Magacaabista Wasiirka Ariha Gudaha oo meesha ka saareeyo damaca musharaxnimo ee  Cali Guudlawe

Muqdisho( Aragti-cusb Media Gruop ) : Xili lagu gudajiro dhimaha Maamul gobaleedka Hirshabelle oo uu xiligaani   kataaganyahay Khilaaf aad u xoogan oo salka ku haayo cida Madaxweeynaha kanaqandoonto labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellada dhaxe ayaa waxaa soobaxayo cadaadis oo lakulmayo Musharaxa sida weeyn loo halal haayay ee ay Dowlada Nabad iyo nalol gadaal kariixeeyso Cali Guudlaawe .

Dowlada soomaaliya oo siweeyn ugu milantay arimaha dhismaha maamulka hirshabelle ayaa lasheegay in ay xiligaani waji gabax kala kulmeeyso xal u helida cida majaraha u qabandoonto maamulkaan dhisidiisa caqabad xoogan uu kalakulmay x-M/weeynihii hore Hassan Shekh Mohamud.

Siloo qanciyo  tabashada siyaasiyiinta rer hiiraan ayeey dowlada Soomaaliya u magacaawday wasiirka Arimaha Gudaha Gen Mukhtar Hussein Afrax oo deegaan ahaan ka soojeedo gobolka Hiiraan beeshiisunah ay tabasho weeyn ka qabto damaca uu wado Madaxweeyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Guudlawe oo ah musharax uu gadaal kariixaayo taliyaha nabasugida Soomaaliya Fahad Yaasin .

Warar ay heleeyso Aragti cusub ayaa sheegayo in Wasiirka aan wali la ansixin ee arimaha gudaha uu qadka telefanka kulahadlay Cali Guudlawe waxuuna ka dalbaday in uu ka tanaasulo damaciisa ku aadan madaxweeynanimada Hirshabelle  .

Dalka siyaasada falanqeeyo ayaa u arko in magacaabida Gen Mukhtar ay laf dhuun gashay ku naqandoonto Cali Guudlawe oo awalba heeysan kalsooni shacab marka lagareebo balanqaadka Fahad yaasiin.

Waxaa macquul ah in Cali guudlawe uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa maadamo balanqaadi Fahad Yasiin meesha uu kabaxay talada iyo dhisida Hiirshabelanah gacanta loogeliyay Wariiska arimada gudaha Soomaaliya.

Sikastaba xaalada Hirshbelle ayaa xiligaan u baahan in aan lagacan bidixeen balse la´abaaro xaqiiqda iyo isii logga dhex dhalin lahaa labada gobol heshiis lawada ogolyahay oo dhexmaro shacabka hiraan iyo shabellada dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com