Fanaanka Caanka ah Maxamed Saciid BK oo Si Rasmi ah ugu dhawaaqay in Guud ahaan Fanka uu Isaga baxay

Fanaanka Caanka ah Maxamed Saciid BK ayaa maanta Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu Guud ahaan Fanka isaga baxay

Fanaan Bk ayaa sheegay inaysan jirin Cid cadaadis ku saartay, ee go’aankaasi uu isagu qaatay, Wuxuu ku dardaarmay Khayrka, Wuxuu sheegay inaan Fanka dhaqaalle buuran laga helin , Wuxuuna codsi u diray dadkii taageeri jiray.

“Wax cadaadis ah iguma imaan, Dar ilaahay ayaan u goostay inaan Fanka iska daayo, Muddo Hore ayaan doonayey inaan Joojiyo, Balse waxaan islahaa saarku hakaa baxo ayuu yiri Alfanaan BK .

“Fanka wax Hanti ah lagama helo,  lacagtiisu waa sida Budhcad badeeda oo kale,  Waxba Lagama helo aan magac ahayn” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa .

“Hooyo aad ayay u jeclayd inaan fanka ka baxo,  Mar ayay igu tiri   Hooyo Wax ka wanaagsan Alle hakuugu badalo, Anigana aamiin ayaan dhahay.”

“Waxaan Fanka uga baxay dar  ilaahay,  Waxaan samayn doonaa Wacyi gelin,  Sidoo kalana waxaan ku rajo waynahay inaan Ganacsi iska galo.” Ayuu intaa sii raaciyay hadalkiisa Maxamed Siciid BK.

“Ummadda Soomaaliyeed ee Fankayga Jeclaa waxaan leeyahay Halkan Khayrka leh iisoo raaca, ha iga Harina, Xagga Khayrka usoo bata”. Ayuu kusoo xiray Hadalkiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com