Wariye C/laahi Kulmiye Caddow oo laga sii daayay Godka Jilacow

Waxaa lagu guuleystay in Xabsiga Godka Jilacow ee Nabad Suggida Somaliya laga sii daayo Suxufi Cabdulaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye.

Wariyaha ayaa afar maalin ka hor xilli habeen ah lagala baxay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu xiray Xarunta Godka Jilacow ee Taliska Nabad Suggida Gobolka Banaadir.

Sababta loo xiray wariyaha ayaa waxa ay aheyd inuu Wareysi ka qaaday Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo si cad u taageeray dagaalka Shabaab ay kula jiraan Ciidamada Amisom.

Dadaalo kala duwan oo ay sameeyeen Bahda Saxaafadda ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in wariyaha maanta uu dib u helo xuriyadiisa, islamarkaana Banaanka u soo baxo.

Nabad Suggida Somaliya ayaa ku kacda falal tacadi joogto ah oo sharciga ka baxsan, kuwaasi oo loo gaysto muwaadiniinta Somaliyed.

Ma jirto cid Nabad Suggida kala xisaabtameyso tacadiyada ay u gaystaan dadka shacabka ah kuwaasi oo isugu jira dil & xarig sharcidaro ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com