Qoor Qoor oo Magacaabay Gudiga Farsamada iyo Xalinta Khilafka Galmudug ku Matalaya Doorashooyinka 2020 iyo 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa magacaabay xubnaha Guddiga farsamada Iyo Xalinta khilaafaadka oo laga doonayay 10-kii ilaa 20-ka bishaan oo muddo saddex cishe laga soo gudbay.

Gudiga Galmudug ee Doorashada Federaalka 20/21 ayaa la soconaya howsha xulista Ergada Beelaha, hubinta Waxgaradka iyo waxyaabaha la xiriira habsami u socodka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigaan ayaa la shaqeynaya xubnaha kale ee ka kala imaanaya Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle, Wakiilada Somaliland, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka.

Xubnaha Gudiga la magacaabay ayaa kala ah:

1-Garaad Yuusuf Maxamuud-Xubin Gudigga Xalinta Qilaafaadka (Murusade).

2-Mustaf Macalin Cali Salaad-Xubin Gudigga Xalinta Qilaafaadka (Dir/Surre)

3-Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf-Xubin Gudigga Doorashooyinka (Mareexaan)

4-Liibaan Axmed Xasan-Xubin Gudigga Doorashooyinka (Sacad).

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com