Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo Joojiyay doorasho ka dhici lahayd Gobolka Mudug

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdilladiif Muuse Nuure Sanyare, ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo doorasho muran dhalisay, oo la doonayay in laga qabto Degaanka Wadajir, oo ay ku nool yihiin Barakacayaasha Gaalkacyo.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland , ayaa lagu amray Guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, in ay joojiyaan Doorashada laga hergelinaayo Degaanka Wadajir, si loo ilaaliyo Xasiloonida Gobolka.

Qoraalka waxa lagu sheegay in Degaanka Wadajir uu yahay mid Istiraatiiji ah, oo uu ka socdo Mashruuc Horumarineed, sidaas darteedna Maamulka loo dhisayo la rabo in loo maro Waddo sax ah, oo aan khilaaf iyo muran keenin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com