Gudiga lagu murunsan yahay Doorashooyinka Heer Federaal oo Isbedel ku sameeyay Jadwalka Doorashada Aqalka sare

Qoraal kasoo baxay Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka oo la ogeeysiiyay dhamaan daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in uu isbaddal ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.
Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen inay la wadaageen Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.
Isbaddalka jadwalka ayay guddiga sheegeen inay ku timid codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.
“ Muddada aan shaacinay waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashada codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed aya lagu yiri” Qoraalka guddiga.
guddiga doorashooyinka lagu mursan yahay waxaa ay sheegeen in ay u mahad celinayaan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug si doorashada Aqalka Sare ay hal mar u wada qabsoonto.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com