Puntland oo Amartay shirkadaha Isgaarsiinta in ay Fuliyaan Amar lagu xadidayo Lacagaha Mobilada loo Adeegsado

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Bankiga Puntland ayaa lagu amray dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada  gaarka loo leeyahay, in ay fuliyaan Amarkii Puntland ku xaddiday Lacagta   ee Elektaroonikada ah.

Qoraalkan oo ku taariikhaysan 27-ka December 2020, waxa dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta lagu amray, in ay xaddidaan Adeegga Lacagta danabaysan ee E-money $10 Dollar iyo wixii ka yar, si loo xakameeyo Sicir-bararka iyo qiima dhaca Lacagta Shilin Soomaaliga ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com