Madaxweyne Qoor Qoor oo u Dhoofay Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta u duulaya dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in safarkiisa uu la xiriiro o arrimaha dhismaha dekedda Hobyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya  in Axmed Qoor-Qoor uu dowladda Jabuuti weydiisan doono sidii ay gacan uga geysan laheyd dhismaha Dekedda Hobyo.

Dowladda Qatar ayaa horay u ballan qaaday dhismaha dekedda Hobyo, balse wax war ah lagama haayo tan iyo markii ay ballanta qaadeen, waxaana jirtay iney mar booqdeen magaalada Hobyo.

Maamulka Galmudug waxey doonayaan iney iskood isku xilqaamaan dhismaha dekedda Hobyo, waxaana lagu qiimeeyay lacag dhan 90 Malyan oo Doolar, iyadoo Lacagaha lagu dhisayo waxaa la sheegay in laga arurin doono maamulka iyo dadka kasoo jeeda deegaanka.

Dhinaca kale Socdaalka  madaxweynaha Galmudug wuxuu kusoo aadayaa xilli ay Muqdisho ku shirayaan labada madaxweyne Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah iyo dowladda dhexe.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay wixii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, mana aysan imaan fadhigii ugu dambeeyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com