Xubno ka tirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo u safray Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hoggaaminayo gudoomiye kuxigeenka Guddiga Maxamed Ibraahim Barre ayaa saakay u safray magaalada Jawhar ee Dowlad goboleedka Hirshabeele.

Xubnaha Guddiga ayaa waxay korjoogto ka ahaan doonaan doorashada aqalka sare BFS, ayaga oo diyaar u ah inay ka garnaqaan cabashooyinka kasoo noqon karaan Doorashooyinka.

Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa in Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ay Magaalada Jowhar ka bilaabaan diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare.