Wasiir Xundubeey” Ra’iisul Wasaaraha wixii aan isku ogeyn ayuu ka baxay”

Xilli xalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu xilkii ka qaaday wasiirkii Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa waxaa uu kasoo horjeestay xilka qaadistaas.

Wasiir xundubeey waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu kaliya yahay xilgaarsiin, isla markaana uusan xilka ka qaadi Karin, shaqadiisuna uu yahay siiwadida holwha kale ee dowladda.

Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ay isku ogaayeen in dalka ka ilaaliyan khalalaaso, hayeeshee uu Ra’iisul Wasaaraha khalalaaso billaabay.