DHAGEYSO: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo dhaliil u jeediyay dowlada soomaliya.

 

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ugu magacaawnaa Dowladda Soomaaliya Cismaan Nuux Xaaji Macalimow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in mas’uuliyiinti hore ee Gobolka Gedo oo isaga kamid yahay ay dhibaato kala kulmayaan Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

“ Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA ayuu yiri”

Ugu dambeyn Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ugu magacaawnaa Dowladda Soomaaliya Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com