faafaahin:Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Dagaalka oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ku dhexmaray degaanka Biya-cadde oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ee devaanka Biya-cadde, waxaana dagaalka ku geeriyooday laba Askari halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu aad u cuslaa,isla markaana uu socday waxka badan saacad, iyada oo Ciidamada AMISOM ay madaafiic uga qeyb qaadanayeen dagaalka.
Saraakiil ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana intii uu dagaalka socday ay qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya degaanka Biya-cadde ee degmada Mahadaay ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan, waxaana gacanta ku haaya Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com